![Ciidamada Libya oo sheegay in ay magaalada Sirte kala wareegeen maleeshiyada ISIS kadib dagaal dhiig badan ku daatay. [Sawirka: Reuters]](https://puntlandmirror.net/wp-content/uploads/2016/12/c47465fdc0754feb9388202eeb5ffd95_18-1.jpg)
“Ciidamadayadu waxay haystaan gabi ahaan Sirte,” Reda Issa, oo ah afhayeenka ciidamada dowladda ayaa sidaa u sheegay wakaalada wararka AFP maanta oo Isniin ah.
Dagaalka magaalo xeebeedka Sirte, taasoo ahayd meeshii ugu dambaysay ee kooxda ISIS ay ka haysteen dalka Libya, ayaa waxaa ku naf waayay boqolaal ciidamada dowladda ah iyo tiro badan oo aan la aqoon oo dagaalyahanada ISIS ah, sida uu sheegay, Reda Issa.
Dagaalyahanada ISIS ayaa loo malaynayaa in ay joogaan meelo badan oo kuyaala koonfurta iyo bariga Libya, laakiin ma ay haystaan wax magaalo ah.
