Ciidamo cusub oo aad u hubaysan ayaa la geeyay deegaano kuyaala gobolka Shabeellaha Hoose si ay dagaal ula galaan maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay ilo-wareedku sheegeen.
Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa wali ah mid kamid ah deegaanada kuyaala ay koonfurta Soomaaliya oo ay Al-Shabaab ku xoogantahay.
Bishii April ee sanadkan, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa iclaamiyay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, taasoo muddo sannado ah u dagaalamaysay in ay awooda ka tuurto dowladda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.