Waxa uu Al-Shabaab u qaabilsanyahay dhanka saadka ee Puntland, sida ay ilo-wareedku sheegeen.
Intii uu howlgalku socday, ciidamada PSF ayaa sidoo kale qabtay saddex qof oo kale oo lala xiriirinayo ururka hubaysan ee Al-Shabaab.
Sanadkii 2012, Ina Caloolgeel ayaa waxaa gudaha Gaalkacyo ku qabtay ciidamada Puntland, balse waxaa la sii daayay sanadkii 2014, kadib markii Madaxweynaha hadda talada haya uu amray in la sii daayo isaga.
Gaalkacyo waxaa dhibbaato kasoo gaartay tiro weeraro ah oo ay u geysteen Al-Shabaab, oo uu kamidyahay kii Agoosto 2016 lala beegsaday dowladda hoose ee Gaalkacyo kaasoo lagu dilay ugu yaraan 30 qof.