“Waxaa ciidamada amniga ee PSF u suurto gashay in ay gacanta ku soo dhigaan 14 Al-Shabaab ah oo u socda Buuraha Galgala iyaga oo marayey duleedka magalada Garowe.” PSF ayaa sidaas ku tiri qoraalkooda.
Xubnaha ayaa lasoo qabtay iyaga oo ku sii jeeday Buuraha Galgala si ay ugu biiraan maleeshiyada Al-Shabaab ee halkaas ku dhuumanaysa, sida ay sheegeen PSF.
Ugu yaraan saddex diyaaradaha dagaalka ah ayaa ku lug lahaa howlgalka kaas oo dhacay shalay galab oo Isniin ahayd, sida ay ilo-wareedyo sheegeen.