Dadka laga shakiga qabo ee la xiray ayaa loo qaaday saldhiga booliiska si loogu sameeyo baaritaan, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.
Bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay, xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso ayaa waxaa ka dhacay weeraro dil ah oo is xig-xiga oo lala bartilmaameedsanayo saraakiisha ammaanka iyo masuuliyiinta kale ee dowladda.