Madaxweynaha Puntland oo sheegay in hoggaamiyaha ISIS Cabdiqaadir Muumin uu weli noolyahay

Sawirka: Hoggaamiyaha ISIS Cabdiqaadir Muumin.

Garoowe-(Puntland Mirror) Hoggaamiyaha maleeshiyada ISIS ee ku sugan gudaha Puntland ayaa ka badbaaday duqaymo uu Mareykanku la beegsaday deegaanka Buqo ee gobolka Bari, sida uu sheegay madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa wareysi uu siiyay idaacada VOA qaybta Af-Soomaaliga ku sheegay in bartilmaameedka duqayntii dhacday Jimcadii uu ahaa Cabduqaadir Muumin balse uusan dhiman.

“Mareykanku waxay bartilmaameedsadeen sharwadayaasha iyo hoggaamiyahooda ugu weyn Cabduqaadir Muumin, oo ay raadinayeen, xogta aan helayo waxay sheegaysaa in uu noolyahay weli oo uusan dhiman.” Ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Jimcadii, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa cadeeyay in ay qaadeen duqaymo ka dhan ah maleeshiyada ISIS ee ku sugan gudaha Puntland. Weerarka kowaad ayaa dhacay saq dhexe kan labaadna waxa uu dhacay subaxii xigay.

Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in dhowr maleeshiyo ah ay ku dileen duqaymaha ka dhacay deegaanka Buqo, oo qiyaastii 160 km dhanka bari kaga beegan magaalada Boosaaso. Duqaymaha ayaa kii kowaad oo ka dhan ah maleeshiyada ISIS ee ku sugan Geeska Afrika oo uu qaaday Mareykanku.

Maleeshiyada ISIS ee ku dhuumanaya gudaha gobolka Bari ee Puntland ayaa bishii Oktoobar ee sanadkii 2015 ka goostay maleeshiyada Al-Shabaab ee buuraha Galgala.

Maleeshiyada ayaa sheegatay weeraro khaarajin ah iyo qaraxyo ka dhacay gudaha Boosaaso, kuwaasoo ay ku dhinteen dhowr qof.

Ururka ayaa bishii Oktoobar ee 2016 qabsaday magaalada qadiimiga ah ee Qandala halkaas oo ay haysteen ku dhawaad 40 beri kahor inta aysan ciidanka Puntland dib ula wareegin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*