Dhacdada ayaa dhacday Sabtidii lasoo dhaafay, waxaana markabku waday shixnad uu ka keenay Dubai uuna u waday magaalo xeebeedka Mukala ee dalka Yeman, markii ay afduubteen burcadbadeedu.
Kabtanka markabka ayaa ku wargeliyay haayadaha Dubai in markabka la afduubtay, Wasaaradda Arrimaha Dibada ayaa sidoo kale cadaysay, sida uu ku waramay Times Now TV.
Afduubashada ayaa timid wax ka yar hal bil kadib markii burcadbadeeda Soomaaliya ay qabsadeen markab saliida qaada oo la dhaho Aris 13 oo ay saarnaayeen sided shaqaale ah oo u dhashay Sri Lanka, balse ay sii daayeen kadib shan beri oo afduubasho ah.