“Koox burcadbadeed ah oo Soomaali ah ayaa qabsaday dooni kalluumaysi oo Iran laga leeyahay waxayna u isticmaalayaan sidii ay ugu afduuban lahaayeen maraakiibta waa-weyn,” guddoomiyaha magaalada Xaabo Cali Shire ayaa sidaa u sheegay Reuters.
“Doonida kalluumaysi ee Iran laga leeyahay ruqsad kalluumaysi kama aysan haysan gudaha Puntland.” Ayuu ku daray guddoomiye Cali Shire.
Asbuucyadii lasoo dhaafay, burcadbadeeda Soomaaliya ayaa kordhiyay weeraradooda ka dhanka ah maraakiibta ganacsi ee gooshaysa biyaha Soomaaliya.
Dhawaan, iyaga oo la hadlayay warbaahinta gudaha qayb kamid ah kalluumaysatada ayaa ku goodiyay in ay hubka qaadan doonaan mar labaad kuna noqon doonaan burcadbadeednimada si ay ula diriraan waxay ugu yeereen “maraakiibta jariifka ee ajaaniibta ah”.