Tilaabada ayaa timid kadib markii Guddoomiye Ku Xigeenka Haayada Shaqaalaha Rayidka ah Jaamac Xirsi uu baarlamaanka ka codsaday in ay kala diraan haayada isaga oo Guddoomiyaha ku eedeeyay musuqmaasuq.
Sanadihii u dambeeyay, waxaa lagu eedaynayay Guddoomiyaha Haayada Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland Mustafe Siciid Shabac in uu si musumaasuq daran ah u maamulay mashruuca tayeynta shaqaalaha “Capacity Injection Project” (CIP) oo Bangiga Adduunku uu ka caawiyo haayadaha dowladda Puntland.