Labo xildhibaan ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqaan in ay u tartamayaan sidii ay u badali lahaayeen guddoomiyihii hore, sida ilo-wareedyo ka ag dhow baarlamaanka ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.
Khamiistii, 49 xildhibaan ayaa u codeysay in xilka laga qaado Cabdixakiin Maxamed Axmed oo loo yaqaan Dhoobo-daareed, kaasoo xafiiska joogay wax ka yar sanad.
Baarlamaanka ayaa maanta soo saaray habraaca doorashada guddoomiyaha, taasoo lagu faray musharixiinta in ay codsiyadooda soo gudbiyaan laga bilaabo Axada oo bishu tahay November 10.