Agaasimihii madaxtooyada Puntland oo is-casilay

Puntland Mirror
1 Min Read
Agaasimihii hore ee madaxtooyada dowladda Puntland Deeq Suleymaan Yuusuf. [Sawirka: Puntland Mirror]

Agaasimihii hore ee madaxtooyada dowladda Puntland Deeq Suleymaan Yuusuf. [Sawirka: Puntland Mirror]
Agaasimihii hore ee madaxtooyada dowladda Puntland, Deeq Suleymaan Yuusuf. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Agaasimihii madaxtooyada dowladda Puntland Deeq Suleymaan Yuusuf ayaa iska casilay booskiisa maanta oo Sabti ah, sida ay tilmaamayso waraaqda is-casilaada oo uu arkay warsidaha Puntland Mirror.

“Madaxeynaha qaaliga ahow, waxaan filayaa in aad fiicantahay. Sidii aan maanta kawadahadalnay, waxaan kugu wargelinayaa in aan iska-casilay booskaygii agaasimaha madaxtooyada laga bilaabo maanta oo bishu tahay 25-ka Febaraayo, 2017. Waxay ii ahayd farxad iyo fursad in aan kula soo shaqeeyay saddex sanno.” Ayuu ku yiri warqada isca-silaada.

Kuma uusan xusin waraaqda dhexdeeda sababta ka dambaysa is-casilaadiisa.

Deeq ayaa agaasimaha madaxtooyada waxaa u magacaabay Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali bishii Janaayo ee sanadkii 2014-ka.

Share This Article
Follow:
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *