Afhayeenkii hore ee maamulkii Ximin iyo Xeeb oo Muqdisho lagu dilay

Abdi Omar Bile
1 Min Read
Maxamed Cumar Xaafey [Sawirka: Archive]

Maxamed Cumar Xaafey [Sawirka: Archive]
Maxamed Cumar Xaafey [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Afhayeenkii hore ee maamulkii Ximin iyo Xeeb ayaa kooxo hubaysan oo aan la aqoon haybtooda ku dileen gudaha magaalada Muqdisho maanta oo Sabti ah, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Maxamed Cumar Xaafey ayaa gaari laga dheex toogtay meel ku dhow isbitaalka Digfeer ee gudaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sida ay wararku sheegayaan.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka cararay toogashada kadib, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaashu.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyada dilkaas maanta oo Sabti ah dhacay.

Ximin iyo Xeeb ayaa ahaan jiray maamul ka jira gobolada dhexe ee Soomaaliya. Waxaana la asaasay sanadkii 2008-dii, caasimadna waxaa u ahayd magaalada Cadaado. Bartamihii 2015-kii, ayaa Ximin Iyo Xeeb ku biirtay maamulka Galmudug.

Share This Article
Follow:
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *