Afar qof oo ku dhimatay gobolka Bari kadib markii ay cabeen biyo sumeysan

Puntland Mirror
1 Min Read
Ceel biyood. [Sawirka: Puntland Mirror]

Ceel biyood. [Sawirka: Puntland Mirror]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay kadib markii ay biyo ka cabeen ceel la sumeeyay oo kuyaala deegaanka Timirshe ee gobolka Bari, sida ay sheegeen dadka deegaan iyo ilo-wareedyo dhanka caafimaadka ah.

In ka badan shan qof ayaa sidoo kale ku jiratay natiijada biyaha ay isticmaaleen, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

Intooda badan dadka dhibtu gaartay ayaa la sheegay in ay yihiin reer miyi.

Ma jirto wax jawaab ah oo weli kasoo baxday Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *