Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya oo sheegay in aan la dhaarin xubnihii la joojiyay doorashadooda

Puntland Mirror
1 Min Read
Guddoomiyaha doorashada dadban ee Soomaaliya, Guddoomiye Cumar Maxamed Cabdulle. [Sawirka: Archive]

Guddoomiyaha doorashada dadban ee Soomaaliya, Guddoomiye Cumar Maxamed Cabdulle. [Sawirka: Archive]
Guddoomiyaha doorashada dadban ee Soomaaliya, Guddoomiye Cumar Maxamed Cabdulle. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya Cumar Maxamed Cabdullaahi oo loo yaqaan (Cumar Dhagey) ayaa sheegay in xubnihii dhawaan la joojiyay doorashadooda aysan kamid ahayn xildhibaanadii shalay lagu dhaarshay Muqdisho.

“Xubnaha 11-ka kursi ee doorashadooda la joojiyay kama aysan mid ahayn xildhibaanadii la dhaariyay.” Ayuu yiri Mr Dhagey.

Wuxuu intaas ku daray in xildhibaanada cusub ee aqalka sare iyo aqalka hoose ee kasoo jeeda Somaliland iyo qabiilooyinka Banaadiriga dhawaan lasoo dooran doono kahor inta xildhibaanada cusub aysan dooran afhayeenkooda.

Ku dhawaad 280 xildhibaan oo isugu jira labada aqal ayaa shalay oo Talaado ahayd lagu dhaarshay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Share This Article
Follow:
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *