Baarlamaanka Puntland oo diiday wax-ka-beddelka Dastuurka, xiisadda siyaasadeed oo sii kordhaysa

Puntland Mirror
0 Min Read

Garoowe-(Puntland Mirror) Golaha Wakiillada Puntland ayaa maanta oo Isniin ah diiday hindise wax-ka-beddel lagu samayn lahaa Dastuurka maamulka, kaddib markii aanu helin tirada codadka ee loo baahnaa si loo ansixiyo, taas oo dhabar-jab ku ah qorshaha xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Go’aanka ayaa yimid kaddib dood iyo muran siyaasadeed oo ka dhashay habraaca loo maray soo-jeedinta wax-ka-beddelka Dastuurka. Hindisaha ayaa taabanayey qodobo dhowr ah oo ka mid ah Dastuurka Puntland, kuwaas oo la xiriira hannaanka siyaasadeed iyo qaab-dhismeedka hay’adaha maamulka.

Diidmada Baarlamaanka ayaa timid iyadoo siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaybo ka mid ah bulshada ay su’aalo ka keeneen sharcinimada hannaanka wax-ka-beddelka iyo saameynta uu ku yeelan karo nidaamka dowladnimo ee Puntland.

Siyaasiga mucaaradka ah Dr. Guuleed Saalax ayaa soo dhoweeyey go’aanka Baarlamaanka, isaga oo sheegay in hindisaha aan loo marin habraacyadii sharci ee looga baahnaa. Waxa uu sheegay in tani tahay markii labaad ee Dastuurka Puntland si sharci-darro ah loo furo, taas oo uu ku tilmaamay arrin dhaawacaysa hannaanka sharciga iyo dowladnimada.

Dr. Guuleed ayaa u mahadceliyey xildhibaannadii diiday hindisaha, isaga oo ku baaqay in wax-ka-beddel kasta oo Dastuurka lagu samaynayo uu maro hannaan dastuuri ah oo ka tarjumaya rabitaanka iyo maslaxadda shacabka Puntland, halkii uu ka noqon lahaa mid ay riixayaan dano gaar ah oo xukuumaddu leedahay.

Diidmada hindisaha ayaa caqabad ku noqonaysa qorshaha xukuumadda ee wax-ka-beddelka Dastuurka, iyadoo doodda ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka nidaamka siyaasadeed ee Puntland ay weli tahay arrin xasaasi ah.

Waxaana muuqata in Puntland ay markale geli doonto khalalaase siyaasadeed sidii 2023-kii markaas oo wax ka bedel oo xukuumada Deni ay riixaysay lagu dilay 35 qof dagaal gudaha Garoowe ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo ciidamo kale oo dowladeed oo ka soo horjeeday waxkabedelka dastuurka.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *