Garoowe-(Puntland Mirror) Burcad-badeed Soomaali ah ayaa dishay shan ka mid ah shaqaalihii markabka shidaalka ee MT Honour 25, ka hor inta aysan ciidamada Puntland la wareegin markabka oo ay soo badbaadiyeen shaqaalihii kale, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Puntland.
Markabka oo ku safrayay calanka Palau ayaa burcad-badeeddu afduubteen 21-kii April, xilli uu ku sugnaa xeebaha Soomaaliya. Markabka ayaa la sheegay inuu siday ku dhowaad 18,500 fuusto oo shidaal ah, waxaana saarnaa 17 shaqaale ah.
Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa sheegtay in shanta qof ee la dilay ay kala ahaayeen saddex Pakistan u dhashay, hal Hindi ah iyo hal u dhashay Myanmar. Afar shaqaale oo kale ayaa dhaawacmay, kuwaas oo saddex ka mid ahi yihiin Pakistan iyo mid Hindi ah.
Ciidanka Booliska Badda Puntland (PMPF) ayaa sheegay in hawlgal ka dhacay xeebaha Dharin-baar ee degmada Bandar-beyla lagu soo badbaadiyay markabka, iyadoo la qabtay 16 qof oo looga shakisan yahay inay burcad-badeed yihiin. Ciidamadu waxay sheegeen in markabku hadda gacanta ugu jiro dowladda Puntland, iyadoo howlgalka lagu raadinayo xubnaha kale ee kooxda burcad-badeedda uu socdo.
Dhimashada shanta shaqaale ayaa noqonaysa kiiskii ugu horreeyay muddo ka badan toban sano oo burcad-badeed Soomaali ah lagu soo warramo inay dileen shaqaale markab, iyadoo xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed ay sanadkan ka dhaceen weerarro iyo afduubyo cusub.
MT Honour 25 ayaa ka mid ahaa maraakiib dhowr ah oo burcad-badeeddu afduubteen bilihii u dambeeyay, xilli ay dib u soo kordhayaan weerarrada burcad-badeednimada ee xeebaha Soomaaliya.
