Puntland oo wajahaysa abaar daran kaddib roobabkii Deyrta oo yaraaday – IMC

Abdi Omar Bile
By
Abdi Omar Bile
An online journalist with more than a decade of experience covering security, business, and climate change issues in Somalia. A member of the Oxford Climate Journalism...
0 Min Read
Nin ag fadhiya hal geel ah oo uu lahaa kaddib markii ay u dhimatay abaarta ka jirta dalka. [Xigashada Sawirka: Saed Faisal]

Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa wajahaysa abaar sii xumaanaysa kaddib markii la waayay xilli-roobaadkii Deyrta ee 2025, iyadoo inta badan gobollada ay ka da’een roobab aad uga hooseeya heerkii caadiga ahaa, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay Xarunta Maareynta Xogaha Biyaha iyo Dhulka Puntland (IMC).

Warbixinta, oo la sii daayay maanta oo Isniin, ayaa sheegtay in roobabkii yaraa ee October ilaa December ay noqdeen xilligii afraad oo xiriir ah oo roobabku ay baaqdaan, taasoo gelisay qaybo badan oo Puntland ah xaalad ay masuuliyiintu ku tilmaameen abaartii ugu darneyd muddooyinkii u dambeeyay.

Meelo kooban oo ay ka mid yihiin qaybo ka mid ah Ceerigaabo, Laascaanood iyo Galdogob ayaa helay roob dhexdhexaad ah, halka degmooyin badan aysan helin wax roob ah ama ay heleen roob aad u yar. Ilaha biyaha ayaa si weyn ay u saamaysay, iyadoo inta badan berkadihii iyo ceelashii gaagaabnaa ay qalaleen, taasoo ku qasabtay bulshada inay ku tiirsanaadaan tiro kooban oo ceelal riigag ah. Heerarka biyaha dhulka hoostiisa ayaa hoos u dhacaya, tayada biyahana way sii xumaanayaan meelo badan.

Abaartu waxay saameysay qiyaastii 216,095 qoys, ama ku dhowaad 1.29 milyan oo qof, taasoo culays weyn ku keentay adeegyada aasaasiga ah iyo hab-nololeedka dadka. Bulshada xoolo-dhaqatada ah ayay si gaar ah u saamaysay abaartu, iyadoo daaqa oo yaraaday iyo biyo la’aantu ay tabar darreeyeen xoolaha, isla markaana ay keeneen guuritaan aan caadi ahayn si ay u raadsadaan daaq. Iibinta degdegga ah ee xoolaha ayaa kordhaysa, halka dalagyadii beeraha intooda badan ay fashilmeen sababo la xiriira biyo la’aan, sida ay sheegtay IMC.

Bishii December, dowladda Puntland ayaa samaysay Guddi Sare oo Ka-Jawaabista Abaarta ah oo uu guddoominayo Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Lugatoor, waxayna soo saartay baaq abaareed oo loogu diray hay’adaha samafalka si loo helo gargaar degdeg ah.

Gobolku wuxuu arkay mid ka mid ah abaarihii ugu darnaa ee soo mara dabayaaqadii 2016 iyo horraantii 2017, kaddib afar xilli-roobaad oo xiriir ah oo fashilmay, taasoo saameysay in ka badan 50% dadka, sida ay sheegtay hay’adda FAO.

Abaarta soo noqnoqota ayaa isa soo taraysa taasoo lagu xiriirinayo isbeddelka cimilada iyo falalka bani’aadamka ee waxyeellada u geysta deegaanka sida jarista dhirta, xaalufinta dhulka, daaqa xad-dhaaf ah, iyo maamul-xumada khayraadka dabiiciga ah, sida uu sheegay Guddiga Caalamiga ah ee Isbeddelka Cimilada (IPCC). Guddigu wuxuu intaas ku daray in kulaylka sii kordhaya iyo isbeddelka qaabka roobabka ay ka dhigayaan abaarta mid soo noqnoqota oo ka sii daraysa meelo badan oo dunida ah, gaar ahaan Bariga Afrika.

Share This Article
Follow:
An online journalist with more than a decade of experience covering security, business, and climate change issues in Somalia. A member of the Oxford Climate Journalism Network (OCJN) and a professional fact-checker.
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *