Deni, Cirro iyo Axmed Madoobe oo Nairobi ku kulmaya, qorshe safar Imaaraadka ahna wada

Puntland Mirror
0 Min Read
Siciid Cabdullaahi Deni. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa booqasho aan rasmi ahayn ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo la qorsheynayo inuu kula kulmo hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Somaliland, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen Puntland Mirror.

Ilo wareedyadu waxay intaas ku dareen in uusan madaxweynaha xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada ku wehelin safarka.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa la filayaa inuu gaaro Nairobi si uu ula kulmo Deni, waxaana qorshuhu yahay in saddexda hoggaamiye ay safar ay ku tagayaan Imaaraadka Carabta, halkaas oo ay xiriir dhow la leeyihiin.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *