Asad Cismaan Cabdullaahi oo loo magacaabay taliyaha booliiska Soomaaliya

Asad Cismaan Cabdullaahi. [Sawir Hore]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Golaha wasiiradda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah Asad Cismaan Cabdullaahi u ansixiyay in uu noqdo taliyaha cusub ee booliiska Soomaaliya kadib soo jeedinta wasaaradda amniga qaranka.

Asad oo ah siyaasi dhallinyaro ah oo miisaan culus ku leh deegaanada Puntland ayaa soo noqday agaasimaha ciidamada PSF oo ah ciidamada ugu tababarka wanaagsan Puntland kuwaasoo muddo sannooyin ah dagaal kula jiray kooxaha argagixisada. Waxa kale oo uu laba jeer u tartamay jagada madaxtinimo ee Puntland.

Rasaasta hubka noocyasiisa kala duwan ayaa laga maqlay magaalooyinka waaweyn ee Puntland, sida Boosaaso iyo Garoowe, kuwaasoo la sheegay in loogu dabaaldegayay magacaabista Asad.

Xilligii madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa Asad loo dalacsiiyay darajada Janaraal markaas oo uu agaasime u ahaa ciidanka PSF.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*