PEC oo sii daysay natiijada hordhaca ah ee doorashada goleyaasha deegaanka gobolka Nugaal

Shaqaale katirsan PEC oo tirinaya codadka goleyaasha deegaanka Garoowe. [Isha Sawirka: PEC]


Garoowe-(Puntland Mirror) Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa isclaamiyay natiijada hordhacda ah ee doorashada dowladdaha hoose ee gobolka Nugaal oo 23-kii July, 2024 ka qabsoontay saddexda degmo ee Garoowe, Dangorayo iyo Godob-jiiraan.

Ku dhawaad 60 kun qof oo is-diiwaangeliyay oo kunool degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan ayaa codkooda dhiibtay, sida ay sheegeen Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC.

Sideed xisbi siyaasadeed ayaa ku tartamaya kuraasta goleyaasha deegaanka ee saddexdan degmo.

Xisbiga dowladda ee Kaah ayaa hoggaaminaya tirade codadka dhammaan saddexda degmo, inkastoo xisbiyada mucaaradka ee SINCAD, Horseed iyo Mideeye ay ku xigaan.

Liiska xubnaha goleyaasha deegaanka rasmiga ah ee gobolka Nugaal ayaa lagu dhawaaqi doono Isniinta oo bishu ku beegantahay 29 July, 2024, sida sargaal katirsan Guddiga Doorashooyinka Puntland ee PEC uu u sheegay bog wareedka Puntland Mirror.

Saddexdan degmo ayaan laga qaban doorashada goleyaasha deegaanka Puntland ee sanadkii 2023, sababo la xiriira khilaaf u dhaxeeyay xukuumada Siciid Cabdullahi Deni iyo siyaasiyiin mucaarad ah xilligaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*