Madaxweynaha Puntland oo magacaabay xubnaha maxkamada sare

Puntland Mirror
0 Min Read
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.[Isha Sawirka: Puntland State House]


Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa maanta oo Arbaco ah magacaabay guddoomiyaha maxkamada sare, ku xigeenkiisa iyo shan garsoore, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday madxatooyada.

Madaxweynaha ayaa kalfadhigii 51-aad ee baarlamaanka Puntland oo shalay ka furmay Garoowe ku sheegay in uu dhawaan soo magacaabayo xubnaha maxkamada sare kadib markii horey uu baarlamaanka u diiday xubno uu soo magacaabay madaxweynuhu.

Guddoomiyaha maxkamada sare ayaa loo magacaabay Xasan Yuusuf Nuur, halka ku xigeen loo magacaabay Axmed Shiikh Cumar Xasan.

Xubnaha magacaaban ayaa codka kalsoonida weydiisan doona golaha baarlamaanka, taasoo haddii codka ay siiyaan meesha ka saaraysa maqnaanshaha garsoorka Puntland oo dhowrkii bilood ee u dambeeyay jiray.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *