Garoowe-(Puntland Mirror) Golaha baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah meelmariyay ajandaha kalfadhigooda 46-aad ee socda.
Waxyaabaha kamid ah ajandaha ayaa ah la xisaabtanka xukuumada, arrimaha xuduudaha Puntland iyo gobolada Sool iyo Sanaag, iyo dib u eegista heshiiska DP World, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay baarlamaanka.