Air Djibouti oo bilowday duulimaadkeedii ugu horeeyay ee u dhaxeeya Garoowe iyo Jabuuti

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan ayaa ka qeybgalay munaasibad garoonka diyaaradaha Garoowe loogu qabtay diyaarada. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Diyaarada Air Djibouti ayaa maanta oo Axad ah bilowday duulimaadkeedii ugu horeeyay ee u dhaxeeya caasimada Puntland ee Garoowe iyo Jabuuti.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan ayaa ka qeybgalay munaasibad garoonka diyaaradaha Garoowe loogu qabtay diyaarada.

Diyaaradan, oo sidoo kale loo yaqaan Red Sea Airlines ayaa labo duulimaad oo asbuucle ah sameyn doonta oo u dhaxeeya Garoowe iyo Jabuuti, sida ay sheegeen maamulka diyaarada.

Waxay ku biiri  doontaa diyaaradaha wadamada deriska laga leeyahay sida Ethiopian Airlines oo horey duulimaadyo uga bilowday Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*