Baarlamaanka Jubbaland oo Axmed Madoobe dib u doortay

Puntland Mirror
1 Min Read
Madobe secures four-year term to lead southern Jubaland state. [File Photo]

Axmed Madoobe. [Sawir Hore]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Baarlamaanka maamul goboleedka Jubbaland ayaa maanta oo Khamiis ah Axmed Maxamed Islaam dib ugu doortay madaxweynaha afarta sanno ee soo socota.

Axmed oo oo loo yaqaan Madoobe waxa uu helay 56 cod, halka musharixii ugu dhawaa oo ahayd gabar Canab Maxamed Daahir ay heshay 17 cod, guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland Shiikh Cabdi Maxamed ayaa ku dhawaaqay.

Axmed ayaa maamulka Jubbaland hoggaaminayay tan iyo markii la asaasay sanadkii 2013, isaga oo ku guuleystay labo doorasho oo hore.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *