Bayaanka dhexdiisa, Mareykanka ayaa sheegay in uu liiskiisa cuno-qabataynta argagixisada caalamka ku daray Mahad Macalin oo Soomaali ah.
Waxa uu dhowr boos kasoo qabtay ururka ISIS ee Puntland sida madaxa maxkamada ISIS, sida saraakiisha sirdoonka Puntland ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.
Mahad Macalin ayaa loo maleynayaa in uu hadda yahay ku xigeenka Cabdiqaadir Muumin, oo ah hoggaamiyaha maleeshiyada ISIS ee Puntland.