Baarlamaanka Puntland oo kala diray golaha wasiiradda

 

Baarlamaanka Puntland. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Talaado kala diray golihii wasiiradda kadib markii ay u codeeyeen in shaqada laga ceyrsho.

Qiyaastii 47 xildhibaan ayaa u codeeyay in la kala diro golaha wasiiradda oo ay ku eedeeyeen shaqo xumo, guddoomiyaha baarlamaanka Puntand Axmed Cali Xaashi ayaa iclaamiyay.

Baarlamaanka Puntland ayaa ka doodayay mooshinka cod kala noqoshada ka dhanka ah golaha wasiiradda labadii beri ee la soo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa haysta 21 beri si uu u soo dhiso gole wasiiro cusub, sida uu sheeayo dastuurka Puntland.

Marka loo fiiriyo qodobka 67-aad ee dastuurka Puntland, si loo kala diro golaha wasiiradda labbo meelood saddex saddex meel oo kamid ah 66 xildhibaan ayaa loo baahanyahay si mooshinku uu u  meelmaro.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*