Doha-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa xalay fiidkii tagay dalka Qatar kadib markii uu martiqaad ka helay Amiirka dalkaas Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani.
Madaxweynaha soomaaliya ayaa la filayaa in uu kulamo la qaadan doono Amiirka Qatar inta uu ku guda jiro safarkiisa.
Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Tamim ayaa la filayaa in ay kulankooda uga wada hadli doonaan xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo sidii Qatar ay taageero u siin lahayd Soomaaliya oo doonaysa in ay kasoo kabato dagaalo sookeeye oo ka socday muddo sannooyin ah.
Be the first to comment