Dhadhaab ayaa hadda waxay hoy u tahay dad lagu qiyaasay 350,000, waxaana la furay sanadkii 1991-dii kadib markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay dalka dariska la ah Kenya ee Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya, Joseph Nkaissery ayaa maanta oo Arbaco ah sheegay in dib u dhigida ay dabasocotay codsi kayimid haayada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiyaasha (UNHCR) si qaxootiga ay dib uga xir-xirtaan xerada.
Bishii May, dowladda Kenya oo daliishanaysa walaacyo ammaan ayaa iclaamisay in xerada qaxootiga ugu weyn caalamka ee kutaala waqooyiga-bari ee Kenya ay xiri doonto.