Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cusmaan iyo guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed oo loo yaqaan Dhoobo-daareed iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda ayaa ka qeybgalay munaasabada qalinjabinta oo lagu qabtay magaalada Garoowe, ee caasimada Puntland.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa u hambalyeeyay ardayda qalinjabisay, waxaana uu ku dhiirigeliyey inay dalkooda aaminaan, ka shaqaystaan, dadkooda ugu faa’iideeyaan aqoonta ay barteen, waxaana shacabka reer Puntland uu u jeediyay inay xoogga saaraan aqoonta qaybaheeda kala duwan, gaar ahaan midda sare.