Maadama lagu jiro xili kala guur ah oo dowladdii horena waqtigeedu gabaabsi yahay mid cusubna la sugaayo waxaa mudan in aan wax iska weydiino cidda dalku u baahan yahay in ay hoggaamiso.

Dadka ku hardamaanya hoggaanka Soomaaliya ma jirto ama waa ay ku yartahay qof iskiis iskugu soo taagay wax u qabashada dalka iyo dadka, waxaa dhagahayaga buux dhaafiyey musharaxiin la leeyahay dowladdo shisheeya ayaa wata oo maalgalinaya sida dowladda carabta, reer galbeedka iyo kuwo dariska ah.

Dhamaan dowladdahaas dano gaar ah ayaa mid walba dalka ka leeyahay, qofka ay wataana waxay ku qancinayaan markii uu dumiyo hay’adaha dastuuriga ah kuna tunto axdiga dalka in hogaanka dalka gacanta loo galinaayo, ninkii mesha la keensaday hoggaanka dalka ayaa la gala wareegaya, gacan ku heynta dalka waxay galeysa gacmo shisheeye, hoggaanka halka hadyad ayuu wuxu u siinayaa ciddii kursiga ku fariisisey.

Markii aan dib u eego burburkii dowladdii Soomaaliyeed wixii ka dambeeyey waxay u badan yihiin hoggaan xumo, waxa maantay ina heysta oo dhibka aan uga bixi la’nahay waa hoggaan xumo, waxaan dad badani aaminsanyihiin in aan dalku helin hoggaankii saxda ahaa, sida aan wada ogsoonahayna qoon hoggaan xun meel ma gaaro oo waa ayadii Cali Axmed Raabi (seenyo) uu yiri “qoon hoggaan xun iyo qoys hooyo xun midina ma hanaqaado”.

Yaan maantay u baahanahay?

Markii aan ka jawaabo su’aasha kor ku xusan waxaan qabaa aragti ahaan

– in hoggaan xumadaas looga bixi karo in la helo dad aqoonyahan ah, wadaniyad leh, dadnimo wanaagsan oo ay dadka ku hoggaamin karaan leh dadkaasina cirka kama imaanayaan, dhulka kama soo baxayaan ee waxay ka dhex imaanayaan bulshada Soomaaliyeed.

– Dalka waxa ku habsaday hoggaan kursiga haddiyad loo siiyey, Soomaaliyana uma baahna nin kursiga lagu fariisiyey ee waxay u baahantahay nin kursiga gaya, wadaniyad iyo waayo aragnimo leh, og oo ku baraarugsan halka dunidu geediga u tahay.

– Soomaaliya maantay uma baahna hoggaamiye qabiil, koox gaar ah, urur diineed iwm u jilib xiran hantida dalkana ku naas nuujinaya.

– dalku wuxuu u baahan yahay hoggaamiye daacad ah oo dalka iyo dadka u adeegaya, abuuri kara hanan dowladnimo oo isla xisaabtan leh, kana maran gacmo shisheeye.

– Soomaaliya maantay uma baahna nin soo shaqo tagay oo raba in uu meesha dhaqaale ka sameeya, hantida dad weynaha dhunsada ee waxay u baahantahay nin hantidiisa gaarka ah dadka ugu adeegaya.

– maantay waxaan u baahanahay hoggaamiye ku dayasho leh soona saara hoggaamiyaashi berri.

Bulshada Soomaaliyeed maxaa looga baahanyahay?

Sida aan wada ogsoonahay hoggaanka Soomaaliya kuma yimaado cod xor ah (one man one vote) ee waxaa doorta barlamaanka, barlamaankuna wuxuu ka dhex yimaada bulshada. Aqalka aas-aaska ayaa laga dhisaa waxaan aaminsanahay xalka Soomaaliya in uu ku dhex jiro bulshada, marki bulshadu soo xusho xubintii ugu macquulsaneyd, aqoon yahan ah, qof aan caado qaate ahayn, wadani ah oo aan calooshi u shaqeyste ahayn, qof fahansan mesha laga hayo shacabka uu matalayo intaas markii bulshadu soo xusho waxaa imaaneysa in iyaguna ay hoggaanka u doortan qofkii saxda ahaa oo aysan ku dooran lacag ee ay ku doortan kartidiisa, dadnimadiisa wadaniyadiisa, aqoontiisa iwm. Balse haddi bulshadu soo xusho kan ugu liita, mid soo shaqo tagay ee raba in uu mesha ka helo wuxuu gowska saari lahaa, waxaa imaaneysa in uu dalkana hoggaanka u qabto mid kale oo soo shaqo tagay oo musiibo ah meshana ku yimid lacag iyo musuq maasuq kale ee aan kursiga istaahilin. Hal xaaran ah nirig xalaal ah ma dhasho haddaan barlamaanki saxda ahaa bulshadu soo xulin hoggaanki saxda ahaa ma imaanayo.

Xagee dunidu geediga u tahay?

Waxaan wada ogsoonahay in siyaasada Soomaaliya ay faraha kula jiraan wadano shisheeye kuwo daris ah iyo kuwo aan daris ahayn, dhamaan waxaa lagu baratamayaa waa kheyradka dalka sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen mid biri iyo mid badeedba.

Cilmi baaris lagu  sameeyey kheyraadka dhulka hoostiisa ah ee dhowr wadan oo Africa ah oo uu Bank-ga aduunku maal galinayey waxaa la ogaaday in wadamada Soomaaliya iyo Sudan laga heli karo shidaal ganacsi gali kara waana halka maantay aduunku geediga u yahay.

Sidoo kale waxaa dad badan isweydiinayaan go’aanka dowladda iyo shacbiga ee ku aadan isbadalka la rabo in lagu sameeyo xuduud badeedka Soomaaliya, sunta iyo qashinka badda iyo beriga Soomaaliya lagu aasayo, kaluumeysiga sharci darrada ah ee biyaha Soomaaliya, Soomaaliya aduunka waxay u noqotay meel wasaqda lagu aruuriyo, lana boobo oo lagu kala hormaro khreyraadkeeda.

 

Ciiro

Qoraaga waa Ciiro Axmed Daahir Nuur-dirir

Ciiro waa nin dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed oo hadda ku guda jira waxbarashadiisa sare, wuxuu heerka kowaad ka dhigtaa cilmiga dhaqaalaha (Economics), jaamacada Bugema University ee dalka Uganda.

Waxaad kala xiriiri kartaa Email: Dirirdx2@gmail.com

______________________________________________________________________________________

Fikradaha lagu xusay maqaalkan waxay gaar u yihiin qoraaga sina loolama xiriirin karo hab qoraaleedka Puntland Mirror.

Share this story about sharing

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

Scroll Up