Xildhibaan katirsan baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si culus ugu dhaawacmay qarax loogu xiray gaarigiisa gudaha Muqdisho

Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Xildhibaan katirsan baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay Muqdisho, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Qaraxa ayaa lagu xiray gaariga xildhibaan Maxamed Mursal Boorow xilli uu marayay gudaha Muqdisho fiidnimadii Sabtida.

Xildhibaanka ayaa dhaawac culus kasoo gaaray qaraxa, waxaana loo qaaday isbitaalka, sida ay wararku sheegeen.

Darawalkii gaariga xildhibaanka ayaa ku geeriyooday qaraxa oo ahaa mid balaaran oo laga maqlay inta badan xaafadaha Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas, sida ay sheegeen warbaahinta afkooda ku hadasha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*