Wefdi ka socda dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo masuuliyiinta amniga Puntland kulan kula qaatay Garoowe

Wefdi ka socda dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya oo kulan la qaatay masuuliyiinta amniga Puntland. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wefdi ka socda dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa maanta oo Axad ah kulan la yeeshay wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan iyo saraakiil katirsan ciidamada, sida taliska ciidamada Puntland ay ku sheegeen qoraal ay soo dhigeen boggooda Facebook-ka, balse ma aysan faahfaahin kulanka.

Wefdiga ka socda dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa asbuucaan yimid magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, sida ilo-wareedyo madax-banaan ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Wefdiga oo wata gaadiid iyo ciidan ayaan la sheegin ujeedka safarkooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*