Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Somaliland ku eedeeyay in ay ka dambeyso dhibbaatooyinka Al-Shabaab ee buuraha Galgala

[Sawirka] intii lagu guda jiray shir saxaafadeedka Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali ee Boosaaso maanta oo Talaado ah.
Boosaaso-(Puntland Mirror) Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland in ay taageeraan maleeshiyada Al-Shabaab, waxa uu ka sheegay shir saxaafadeed uu ku qabtay magaalada Boosaaso maanta oo Talaado ah.

“Waxaan ogahay dhibbaatada Al-Shabaab ee ka jirta buuraha Galgala ee gobolka Bari in 85% ay Somaliland qeyb ka tahay,” ayuu yiri.

Maalmihii dhawaa ee lasoo dhaafay, xiisada u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland ayaa  xumaatay kadib markii ciidamo ka socda Somailand ay la wareegeen gacan ku heynta tuulada Tukaraq oo ay kusoo qaadeen weerar habeenimo ah. Labada dhinac ee dariska ah ayaa ciidamo badan geeyay gobolka Sool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*