Wargeyska The Star ee fadhigiisu yahay Kenya oo sheegay in hoggaamiyaha Al-Shabaab uu la tacaalayo xanuunka kansarka

Hoggaamiyaha maleeshiyada Al-Shabaab Axmed Cumar Cubeydah. [Sawirka]
Nairobi-(Puntland Mirror) Hoggaamiyaha maleeshiyada Al-Shabaab Axmed Cumar Cubeydah ayaa la tacaalaya xanuunka kansarka ama kaankarada, sida uu sheegay wargeyska The Star ee fadhigiisu yahay dalka Kenya.

Xaalada caafimaad ee Abu Cubeydah ayaa sii xumaanaysay lixdii bilood ee lasoo dhaafay, isagoo aan ka rajo qabin in uu ka bogsado xanuunka kansarka oo kaga dhacay caloosha, sida uu wargeysku sheegay.

Waxa uu hoggaaminayay maleeshiyada tan iyo sanadkii 2014-kii markii la dilay hoggaamiyihii hore Axmed Cabdi Godane.

Xaalada caafimaad ee lasoo daristay hoggaamiyaha ayaa maleeshiyada dhexdeeda ka abuurtay khilaaf, iyaga oo ku kala qeybsamay cida badali doonta haddii uu geeriyoodo, sida uu wargeysku sheegay.

Golaha Shuurada, oo awood u leh go’aan gaarida soo magacaabida hoggaamiyaasha cusub ee maleeshiyada ayaa la sheegay in ay hadda labo u kala qeybsameen.

Warbixinada ayaa sheegaya in Mahad Karate oo ah madaxa sirdoonka maleeshiyada Al-Shabaab uu rabay in uu noqdo ninka badali doona Abu Cubeydah. Sida uu ku waramay The Star Karate ayaa la sheegay in uu ciidamo uruursanayo taasoo loo maleynayo in uu isku dayayo afgembi ka dhan ah cidii qabata xilka hoggaamiyenimada.

Al-Shabaab oo sanadkii 2006-dii la asaasay ayaa mar maamuli jiray inta badan deegaanada koonfurta Soomaaliya oo ay ku jirrto caasimada Muqdisho, balse sanadihii u dambeeyay ayaa deegaano badan banaanka looga saaray.

Al-Shabaab ayaa dhworkii sanno oo u dambeeyay kor u qaaday weerarada qaraxyada ah oo intooda badan ay ka geysatay Muqdisho, halkaas oo ay ku dhinteen boqolaal shacab ah.

Bishii Oktoobar ee sanadkii lasoo dhaafay, in ka badan 500 qof ayaa ku geeriyooday qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho.

22,000 ciidan oo ka socda Midowga Afrika iyo ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda dagaal kula jira maleeshiyada Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*