Waqooyiga Kuuriya oo sheegay in ay tijaabiyeen gantaalkoodii shanaad oo nukleer ah oo lagu guulaystay

gantaal-waqooyiga-kuuriya
Dalka Waqooyiga Kuuriya ayaa tijaabiyay gantaalkoodii shanaad oo Nukleer ah tan iyo sanadkii 2006.

Pyongyang-(Puntland Mirror) Dalka Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegay in ay tijaabiyeen “Gantaal Nukleer ah oo lagu guulaystay” si ay uga hortagaan waxay ugu yeereen cadaawada Maraykanka, taleefishinka dowlada Waqooyiga Kuuriya ayaa ku waramay, tasoo ka xanaajisay dariskooda iyo Maraykanka.

Dhul gariir lagu qiyaasay cabirkiisa 5:3 ayaa gilgilay waqooyiga dalka Waqooyiga Kuuriya subaxnimadii saakay oo Jimce ahayd, sida ay sheegtay haayada saadaasha hawada ee Koonfurta Kuuriya, kaasoo ahaa dhul-gariirkii ugu weynaa oo ka dhasha tijaabo gantaal.

“Guddiga Dhexe ee talada haya ee xisbiga shaqaalaha Kuuriya wuxuu hambalyo u diray cilmiyahanada nukleerka……ee tijaabadii gantaalka nukleerka ahaa ee lagu guulaystay,” soo jeediyaha taleefishinka ayaa sidaa yiri.

Tilaabadaan ayaa ka xanaajisay wadamada dariska la ah Waqooyiga Kuuriya sida Koonfurta Kuuriya iyo Japan iyo dalka kale oo ay cadaawada isku qabaan ee Maraykanka.

Bartamihii bishii Janaayo ee sanadkan, dalka Waqooyiga Kuuriya ayaa tijaabiyay gantaalkoodii afraad.

Qaramada Midoobay ayaa ka mamnuucday Waqooyiga Kuuriya tijaabada gantaalada Nukleerka ah balse waxay tijaabisay keedii shanaad tan iyo sanadkii 2006 oo ay QM cunaqabataynta kusoo rogtay.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*