UNICEF: 20,000 caruur ah oo iskuul la’aan ah colaada Gaalkacyo darted

arday
Ardayda dugsiga sare ee Cumar Samatar ee Gaalacyo. [Sawirka: Hoseed Media]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Haayada caruurta u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNICEF xafiiskeeda Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay saamaynta uu dagaalka Gaalkacyo ku yeeshay waxbarashada caruur gaaraysa 20,000.

Sida ay sheegtay UNICEF caruurta 20,000 gaaraysa ayaa qayb ka ah in ka badan 90,000 shacab ah oo ku barakacay dagaalka magaalada Gaalkacyo kaasoo bilowday bil kahor.

“Tani waa xaalad aad u xun oo haysata caruurta Gaalkacyo oo saameyn weyn ku yeelatay waxbarashadoodii iyo noloshoodii,” ayuu yiri Steven Lauwerier oo ah wakiilka UNICEF ee Soomaaliya.

UNICEF ayaa sheegtay in iyada oo kaashanaysa bahwadaagteeda ay hirgaliyeen meelo kumeelgaar ah oo wax ay ku bartaan caruurta barakacday si ay ugu sahasho caruurta in ay sii wataan waxbarashadooda iyo in laga shaqeeyo lana xaqiijiyo in ay macalimiintu helaan mushahaaraadkooda.

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo ay dhawaan ku dagaalameen ciidamada Puntland iyo Galmudug ayaa wali xaaladeedu aysan daganayn.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*