Ugu yaraan todobo qof oo ku dhimatay qarax gaari oo ka dhacay banaanka hore ee dekada weyn ee Muqdisho

Qiiq kasoo baxay qaraxa ka dhacay dekada weyn ee Muqdisho. [Sawirka: Twitter]
Qiiq kasoo baxay qaraxa ka dhacay dekada weyn ee Muqdisho. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan todobo qof ayaa ku dhimatay dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax gaari lala beegsaday afaafka laga galo dekada weyn ee Muqdisho maanta oo Axad ah, sida ay xaqiijiyeen  goobjoogayaal.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in weerarka ay daba socotay rasaasta qoryaha.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse kooxda hubaysan ee Al-Shabaab ayaa hirar weeraro ah ka geysatay magaalada Muqdisho sanadadii u dambeeyay.

.

About Abdi Omar Bile 703 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*