Ugu yaraan shan qof oo ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne

Sawirka: Waa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Beledweyne-(Puntland Mirror) Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhimatay kadib markii qof qarax isku soo xiray uu isku qarxiyay makhaayad kutaala magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan maanta oo Axad ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo ilo-wareedyo caafimaad.

Axmed Cabdi Deeqow, oo katirsan dadka deegaanka Beledweyne ayaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay in qaraxa uu dhacay markii qof qarax isku soo xiray uu soo galay makhaayad uuna is qarxiyay intii lagu guda jiray xilligii cuntada.

Dad gaaraya tobonaan ayaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxa, sida ay sheegeen ilo-wareedyo caafimaad.

Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ah oday dhaqameedyo, sida uu sheegay Axmed oo dadka deegaanka ah.

Ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay iyagu qaadeen weerarka maanta oo Axad ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*