Ugu yaraan 92 qof oo ku geeriyooday roobab daad wata oo ka da’ay dalka Columbia

Ciidamada Columbia ay ka qaybqaadanaya gurmadka. [Xigashada Sawirka: AFP]
Washington-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 92 qof ayaa ku dhimatay roobab daad wata oo ka da’ay koonfurta-galbeed ee dalka Columbia, sida ay sheegtay Laanqayrta Cas.

In ka badan 100 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaawacmeen roobabka daadka wata, sidoo kale tiro kale oo aan la aqoon ayaa maqan.

Madaxweynaha Columbia Juan Manuel Santos, kaasoo safar ku maraya deegaanka ay dhibaatadu ka dhacday ayaa sheegay in ciidamada la geeyay halka ay musiibadu ka dhacday si ay qayb uga qaataan gurmadka.

Haayada musiibooyinka Columbia ayaa ka digtay in tirada dhimashada ay siyaadi karto.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*