Ugu yaraan 54 qof oo ku dhimatay dhul-gariir ka dhacay Indonesia

Dhul-gariirka oo sababay burbur ku dhacay daaraha. [Sawirka: Archive]
Jakarta-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 54 qof ayaa ku dhimatay tobonaan kalena waxaa laga baqayaa in ay ku hoos jiraan burburka kadib markii dhul-gariir xoog badan uu ku dhuftay jasiirada Sumatra ee dalka Indonesia, sida ay ku warameen saraakiisha iyo warbaahinta maxaliga ah.

Taliyaha ciidamada gobolka Aceh ee Indonesia, ayaa sheegay in 54 qof ay ku geeriyoodeen dhul-gariir ka bilowday badda hoosteeda oo dhacay maanta oo Arbaco ah.

Janaraal Tatang Sulaiman, ayaa sheegay in 52 qof ay ku dhinteen gudaha Pidie Jaya, oo ah degmo aad ugu dhow badda hoosteeda oo dhul-gariirku ka dhacay. Labo kalena ay ku dhinteen degmo la dhaho Bireuen oo u dhow.

Indonesia ayaa khibrad u leh dhul-gariirada iyo foolkaanooyinka meesha ay ku taalo awgeed.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*