Ugu yaraan 17 qof oo ku geeriyootay dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo maleeshiyo beeleed oo ka dhacay deegaanka Xaradheere

Maleeshiyo beeleed. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 17 qof ayaa ku geeriyootay dagaal u dhaxeeya maleeshiyaad katirsan Al-Shabaab iyo maleeshiyo beeleed oo ka dhacay deegaanada maamulka Galmudug.

Idaacada dowladda ee Radio Muqdisho ayaa maanta oo Khamiis ah ku warantay in dagaalka uu ka dhacay deegaanka Xaradheere, kaasoo bilaabmay Arbacadii, uuna sababay kadib markii ay Al-Shabaab damacday in ay askarnimo u qortaan caruur yar-yar.

Al-Shabaab ayaa maamulaysay degmo xeebeedka Xaradheere muddo sannooyin ah balse waxaa soo noq-boqda isku dhaca u dhaxeeya Al-Shabaab iyo maleeshiyo beeleedyada, oo ay keenaan murano kala duwan.

 “Al-Shabaab waxay weydiisatay da’a yarta in ay u qortaan askarnimo,” Idaacada ayaa sidaas ku warantay. Canshuur uruurinta sakada oo ay soo rogtay Al-Shabaab ayaa sidoo kale caro ku keenay dadka deegaanka iyo maleeshiyada dhexdeedo,” warbixinta ayaa intaas ku sii dartay.

Dadka deegaanka ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegay in sagaal katirsan maleeshiyo beeleedka iyo dagaalyahano katirsan Al-Shabaab lagu dilay dagaalka.

“Waxaanu weerarnay Al-Shabaab kadibna Al-Shabaab waxay heshay maleeshiyo badan oo xoojisa oo ka kala yimid gobolo kala duwan. Waanu dagaalanay oo dagaalanay waxaa naga dhammaatay rasaastii,” Faarax Axmed, oo ah oday dhaqameed ku sugan aaga Xaradheere, ayaa sidaa khadka taleefoonka ugu sheegay Reuters.

Afhayeenka howlgalada milatariga Al-Shabaab Cabdicasiis Abu Muscab ayaa Reuters u sheegay in ay la dagaalameen maleeshiyada sababtoo ah waxaa soo hubeysay Itoobiya. Waxa uu sheegay in ay dileen 15 xubnood oo katirsanaa maleeshiyo beeleedka.

“Itoobiya waxay rabtaa xeebta Hobyo waxayna adeegsanaysaa maleeshiyo beeleedka si ay u qabsadaan wadada magaalo xeebeedka Hobyo,” ayuu yiri.

Hobyo waa magaalo xeebeed 260 kiilomitir dhanka waqooyi-bari kaga beegan Xaradheere. Abu Muscab ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhammaan hubkii ka qaateen maleeshiyada intii uu socday weerarku.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*