Trump oo balanqaaday in uu dhaqso u dhisi doono derbiga u dhaxeeya Mareykanka iyo Mexico

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump. [Xigashada Sawirka: Getty Images]
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump. [Xigashada Sawirka: Getty Images]
Washington-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray in uu bilaabi doono dhismaha derbiga xuduuda Mexico xilliga ugu dhow ee soo aadan.

Isaga oo ka hadlayay maanta oo Jimce ah kulanka Conservative Political Action Congress (CPAC), waxa uu wacad ku maray in uu dhisi doono derbi weyn.

Trump ayaa sidoo kale balanqaaday in uu diirada saari doono in uu Mareykanka dibada uu uga saari doono waxa uu ugu yeeray “dad xun”.

“Waxaan dhisaynaa derbi,” ayuu yiri Trump.

“Dhabtii dhawaan ayuu bilaabmi doonaa.” Ayuu ku daray.

Donald Trump ayaa xilligii doorashada madaxweynaha balanqaaday in uu dhisi doono derbi weyn oo u dhaxeeya xadka ay wadaagaan Mexico iyo Mareykanka, si looga hortago soo galootiga iyo mukhaadaraadka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*