Todobo askari oo Kiinyaati ah iyo ugu yaraan shan askari oo ciidamada dowladda Soomaaliya katirsan oo lagu dilay weerar ay Al-Shabaab la beegsatay oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose

Todobo askari oo Kiinyaati ah iyo ugu yaraan shan askari oo ciidamada dowladda Soomaaliya katirsan oo lagu dilay weerar ay Al-Shabaab la beegsatay oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose. [Sawirka: Archive]

Muqdisho-(Puntland Mirror) Todobo askari oo Kiinyaati ah iyo ugu yaraan shan askari oo ciidamada dowladda Soomaaliya katirsan ayaa lagu dilay weerar ay Al-Shabaab la beegsatay oo ka dhacay tuulada Hoosingo ee gobolka Jubbada Hoose, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Ugu yaraan toban askri oo ka kalatirsan labada dal ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka.

Weerarka ayaa dhacay maalintii Axada iyadoo ciidamada huwanta ah ay ka yimaadeen Hoosingo una socdeen magaalada Dhoobley markii baabuurtoodii ay la kacday miinada dhulka lagu aaso, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas, ururka ayaa sheegay in ay u adeegsadeen qaraxa la macmalo si ay ugu waxyeeleeyaan ciidamada huwanta ah ee dagaalka kula jira iyaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*