Taliyaha cusub ee AFRICOM oo safarkiisii ugu horeeyay Afrika ku yimid Soomaliya

Janaraal Stephen Townsend oo la taagan askari Mareykan ah oo kamid ah kuwa talo bixinta siiya ciidamada Soomaaliya. [Xigashada Sawirka: AFRICOM]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Taliyaha cusub ee taliska Mareykanka ee Afrika ayaa Arbacadii yimid Soomaaliya, kaasoo noqonaya safarkiisii ugu horeeyay ee uu ku tago qaarada Afrika tan iyo markii uu xafiiska qabtay.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay taliska Mareykanka ee Afrika, taliyaha cusub Janaraal Stephen Townsend ayaa qiimayn ku sameeyay xaalada Soomaaliya, iyo xoojinta balanqaadyada taliska ee ammaanka gobolka.

“Waxaa iga go’an in aan wada shaqeyno oo aan horumariyo iskaashiga aan la leenahay Soomaaliya,” ayuu ku yiri war-saxaafadeed. “Annaga oo kaashanayna Soomaaliya iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah, waxaan sii wadi doonaa in aan cadaadis joogto ah saarno ururada xagjirka ah ee rabshadaha geysta. Cadaadiskaani wuxuu keenayaa xaalado iyo fursado horumar siyaasadeed iyo dhaqaale oo dheeri ah.” Ayuu ku sii daray.

Townsend wuxuu sheegay in ciidamada Soomaaliya ay sii wadaan ka saarida Al-Shabaab meelaha gacantooda ku harsan si ay u xoreeyaan dadka Soomaaliyeed ee halkaas ku nool, iyo in la dhimo khatarta kooxda argagaxisada ah ee ku aadan danaha Soomaaliya iyo Mareykanka labadaba.

Inta uu safarka ku joogay Muqdisho, waxa uu kulan la yeeshay raysulwasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, sida ay sheegeen taliska Mareykanka ee Afrika.

Janaraal Stephen Townsend ayaa dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay ee July la wareegay xafiiska Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM.

AFRICOM ayaa tan iyo sanadkii 2017 kordhiyay duqeymaha gudaha Soomaaliya ee ka dhanka ah ururada argagixisada ah.

Sanadkan keliya Mareykanka ayaa ka fuliyay gudaha Soomaaliya duqeymo ka badan 45, oo lala beegsaday maleeshiyooyinka Al-Shabaab iyo ISIS, kuwaasoo laga dilay tobonaan dagaalyahan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*