Soomaaliya oo ku rajo weyn in deynta laga cafiyo bisha Febaraayo 2020

Wasiirka maaliyada dowladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Bayle Ducaale. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa rajaynaysa in bisha Febaraayo ee sanadka 2020 laga cafin doono deynta lagu leeyahay.

Wasiirka maaliyada dowladda federaalka Soomaaliya oo shir jaraaid ku qabtay Muqdisho maanta oo Khamiis ah ayaa sheegay in waxyaabihii muhiimka u ahaa deyn cafiska ee looga baahnaa dhankooda ay dhammasytireen, balse in yar oo harsan ay soo idlaan doonaan bishaan December.

Cabdiraxmaan Bayle Ducaale ayaa intaas ku daray in qaar katirsan haayadaha deynta ku leh Soomaaliya ay soo gabogabeeyeen habka ay deynta u cafin lahaayeen.

Bayaan ay soo saartay Arbacadii ayaa haayada lacagta adduunka ee IMF ku sheegtay in guddiga fulinta ee IMF ay meelmariyeen qorshe maaliyadeed oo gacan ka geysan doona sidii ay u cafin lahaayeen qeybta lacagta ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Lacag ku dhow $5 bilyan ayaa wadamo iyo haayado kale duwan ay deyn ugu leeyihiin Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*