Soomaali badan oo ku yaacay garoomada si ay ugu duulaan Mareykanka kadib markii garsoore Mareykan ah hakiyay go’aankii Donald Trump

Soomaali badan oo ku yaacay garoomada si ay ugu duulaan Mareykanka kadib markii garsoore Mareykan ah hakiyay go’aankii Donald Trump. [Sawirka: Puntland Mirror]
Soomaali badan oo ku yaacay garoomada si ay ugu duulaan Mareykanka kadib markii garsoore Mareykan ah hakiyay go’aankii Donald Trump. [Sawirka: Puntland Mirror]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Tobonaan Soomaali ah oo haysta Green Cards iyo fiisooyinka ayaa boorsooyinkooda xirxirtay si ay u xaqiijiyaan in ay u duulaan Mareykanka kadib markii garsoore federaal ah uu joojiyay amarka safarka madaxweyne Donald Trump ee ku aadan todobo dal oo Muslim ah.

“Ugu yaraan 10 qof oo Soomaali ah oo haysta Fiisaha iyo Green Cards ayaa raacay diyaarada Turkey Airline oo ku socotay magaalada Dubai, halkaas oo ay uga sii gudbayaan Mareykanka,” sidaa waxaa warsidaha Puntland Mirror u sheegay sargaal sare oo katirsan laanta socdaalka Soomaaliya oo codsaday in aan magaciisa la sheegin.

Sargaalka ayaa sheegay in ugu yaraan 20 qof oo Soomaali ah ay rajaynayaan in ay u duulaan Mareykanka maanta oo Isniin ah.

Asma Cabdiqaadir, waxay haysataa Green Card Mareykan ah waxay dhawaan timid Muqdisho si ay u soo booqato qoyskeeda, hadda waxay u ordaysaa in ay dib ugu noqoto Mareykanka kahor inta Madaxweyne Trump uusan laalin xukunka garsooraha.

“Waxaanu isku dayaynaa in aan gaarno Mareykanka. Waxaanu aad u filaynaa in aan halkaas tagi doono.” Asma ayaa sidaa u sheegtay Puntland Mirror.

Diyaarada Turkiga ayaa ah shirkada diyaarada kaliya oo caalami ah oo duulimaadyo ku tagta Muqdisho ilaa Istanbul.

Asbuucii lasoo dhaafay, madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixay amar looga mamnuucayo muwaadiniinta kasoo jeeda todobo dal oo kala ah; Suuriya, Soomaaliya, Suudaan, Yeman, Liibiya, Ciraaq, Iran in ay soo galaan gudaha Mareykanka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*