Shirkada Hormuud oo sheegtay in mid kamid ah shaqaalaheeda lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka fuliyay Jilib

Burbur hore oo duqeyn oo soo gaaray toowarka Hormuud. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Shirkada Hormuud ayaa sheegtay in mid kamid ah shaqaalaheeda lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay deegaanka Jilib ee gobolka Jubbada Hoose.

Masuuliyiin katirsan shirkada Hormuud ayaa warbaahinta u sheegay in ninka duqeynta lagu dilay lagu magacaabi jiray Maxamuud Xaaji Salaad, kaasoo ahaa maamulaha laanta Hormuud ee Jilib.

Waxay intaas ku dareen in labo gantaal lagu dhuftay xilli uu ku sugnaa beertiisa, halkaas oo uu ku naf baxay.

Dhanka kale, war-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) waxay sheegeen in ay duqeyn ka fuliyeen deegaanka Jilib Isniintii, laguna dilay xubin katirsan argagixisada Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*