Shirka hoggaamiyaasha siyaasada Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Shirka madasha sare
Madaxweynaha DFS Xasan Shiikh Maxamuud oo shir guddoominaya madasha oo si rasmiya maanta u furmay. Sawirka: Daud Aweys.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Shirka madasha sare ee hoggaamiyaasha siyaasada Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah si rasmiya uga furmay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa kasoo qaybgalay madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Ajandaha shirka ayaa gabi ahaanba ku saabsan hanaanka doorashooyinka dib u dhacay ee la filayo in bisha Oktoobar ee dabayaaqada sanadkan ay dhacaan.

Khuburada falaanqeeya siyaasada Soomaaliya ayaa sheegaya in ay macquul noqon karto in wakhtiga doorashooyinka ay mar kale dib u dhacaan, marka la fiiriyo qaabka diyaargarowga.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in ay bixinayso 60 boqolkiiba dhaaalaha ku baxaya doorashooyinka halka 40 kale laga rabo in ay bixiyaan maamulada iyo dowlada dhexe.

Sida ay khuburada sheegayaan waxaa macquul ah in shirkan looga hadlo qorshayaal horey loo degsaday balse aan muuqan in ay qabsoomaan, marka la fiiriyo dhaqaalaha iyo wakhtiga yar ee harsan.

Shirkan ayaa la filayaa in uu si dhaqso ah u soo gabagaboobo iyadoo tobonka bishaan uu Muqdisho ka furmayo shir madaxeedka urur goboleedka IGAD oo muddo 25-sanno kadib markii ugu horeysay lagu qabanayo halkaas.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*