Sargaal katirsanaa dowladda Soomaaliya oo lagu dilay qarax gaari oo ka dhacay gudaha Muqdisho

Sargaal katirsanaa dowladda Soomaaliya oo lagu dilay qarax gaari oo ka dhacay gudaha Muqdisho. [Sawirka: Twitter]
Sargaal katirsanaa dowladda Soomaaliya oo lagu dilay qarax gaari oo ka dhacay gudaha Muqdisho. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Sargaal katirsanaa dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah lagu dilay qarax ka dhacay gudaha Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaashu.

Cabdiraxmaan Afleershe ayaa la dilay kadib markii miino gaarigiisa  loogu rakibay ay ku qaraxday gudaha degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen goobjoogayaashu.

Sargaalka la dilay ayaa la shaqayn jiray dowladda hoose ee Muqdisho, sida ay wararku sheegayaan.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada dilkaas dhacay maanta oo Talaado ah, balse tuhunka ayaa ku dhacaya ururka hubaysan ee Al-Shabaab, kuwaasoo horey u geystay weeraro kan lamid ah.

Bilowgii asbuucaan, isaga oo la hadlayay warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab, afhayeenka ururka Cali Maxamuud Raage sidoo kale loo yaqaan (Cali Dheere) ayaa wacad ku maray in ay kordhin doonaan weerarada gudaha caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*