Saddex maleeshiyo oo Al-Shabab katirsan oo lagu dilay duqeyn diyaaradaha Mareykanku ay ka geysteen gobolka Jubbada Dhexe

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Saddex maleeshiyo oo Al-Shabaab katirsan ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradaha Mareykanku ay ka geysteen meel u dhow magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe Khamiistii, sida Taliska Mareykanka ee Afrika ay bayaan ku sheegeen.

Bayaanka ayaa lagu sii daray in gaari qori weyn uu saaranyahay lagu burburshay weerarka.

Milatariga Mareykanka ayaa sagaal duqeymood oo ka dhan ah Al-Shabaab ka geystay gudaha Soomaaliya tan iyo sanadkan 2018. Tiro dhan 25 maleeshiyo Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay weeraradaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*